BAB I.Pendahuluan

Aas-aaskii Ururka Alshabab (Q 1aad) – Wararka – Somali.mp3

Bab I – BAb V1 OK selesai
Disini kmu bisa dapat aporan kerja praktek di susun oleh Eng: Ibrahim Ali Abdi

perencanaan jembatan komposit

struktur baja 2

Ibrahim

anda bisa dapat apa saja tugas struktur yang anda mau visat may blog http://deercali.wordpress.com
dan anda bisa tingal coment.. makasih..

Bari ayaa waxaa lajoogay xili chate marka waxaa is raacay 2 wiil oo mid la

يَاْجَاْلِبَ الْكُفَّاْر ِكَفَرْتَ

Gaalo Soo Geliyow

Waad Gaalowday

وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِِّنْكُمْ فَإنَّهُ مِنْهُمْ

المائدة / 51

W/Q: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com

Kitaabka Oo Kooban

بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ

والصَّلاةُ والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ.

Kitaabkan waxaan kaga warami doonaa haddii Alle idmo mowduuca beryahan danbe sida xawliga ah ku socda ee loo yaqaan:

موالاة الكفار

Taa oo ah in gaalada la jeclaado, saaxiibo iyo xigtana laga dhigto, loogana hiiliyo dadka muslimiinta ah isla markaana gaashaan buur lala samaysto iyada oo lagu waxyeelaynayo dad muslimiin ah, mar walbana la fulinayo danaha gaarka ah ee ay gaaladu ka leeyihiin wadamada islaamka, hadday ahaan lahayd xag diin iyo xag aduunba.

Kadib markii ay gaaladu ku fashilantay dagaalkii foolka-foolka ahaa ayay waxay qaadeen dariiq kale oo ah in la adeegsado kuwo wax ma garato ah danna aan ka lahayn diin, dad iyo dalba. Taa oo u suurta gelisay inay kaga filnaadaan wixii dhibaato ahaa ee kasoo gaari jiray intii lakala soocnaa ee muslimiin iyo gaalo lakala ahaa. Horaana loo yiri: Gudiney Ima Goyseen Hadduusan Gabalkay Kugu Jirin.

Inta hawshaa is gaashaan buursiga baadilka ku dhisan lagu guda jirana wixii dhibaato ah ee dhimasho ama dhaawac ee shacabkaa muslimiinta ah soo gaarana laisma waydiiyo, haddiise dhanka gaaladu wax yar soo gaaraanna waa loo baroor diiqi warbaahinnadana waa lagu buun-buunin. Waana siduu shaacirku yiri:

قَتْلُ امْرئٍ فِيْ غَاْبَةٍ جَرِيْمَةٌ لاْ تُغْتَفَرْ

وَقَتْلُ شَعْبٍ بِأَكْمَلِهِ مَسْئَلَةٌ فِيْهَاْ نَظََرْ.

Hal qof oo lagu dilaa hawd (duur cidla ah) waa danbi wayn oo aan la dhaafi karin, dilse loo geystay shacab idaylkii waa arin ka fiirsasho leh.

Marka ugu horaysa haddii la waydiiyo kuwaa wadanka gaalada soo geliyay. Maxaad wadanka gaalada kala soo doonteen oo aad dadka muslimiinta ahna aad ugu baabi’seen? Jawaabtoodu waa wadanka ayaan amnigiisa ku sugaynay gaaladaa IWM oo been iyo waxba kama jiraan ah.

Waxaase dhab ah qof walibaana uu garan karaa in nabaddii jirtay xilligii aad gaalada wadanka soo geliseen aysan ebad soo marin Soomaaliya. Laakiin qof waliba oo raba inuu xumaantiisa qariyo magac qurxoon ayuu ku shaabadeeyaa. Waana middii uu Rasuulku SCWW uu inoogaga waramay inay imaan doonaan dad u bixiya waxyaabaha aan shareecada ku banaanayn magacyo wanwanaagsan si loo aqbalo. Wuxuuna Rasuulku SCWW uu yiri:

إِِنََّ نََاْساً مِنْ أُمَّتِيْ يَشْرَبُوْنَ الْخَمْرَ يُسَمُّوْنَهَاْ بِغَيْرِ اسْمِهَا .

رواه أحمد / صحيح / الصحيحة / 414

Dad ummadayda ka mid ah ayaa cabi doona khamriga waxayna u bixin doonaan (oo ay Ku magacaabi doonaan) magaceeda magac aan ahayn.

Balse sida aad filayseen oo aad jeclaydeen Alle SW arinta kama dhigin. Qorshihiinuna wuxuu ahaa qof kasta oo astaan diineed leh in wadanka laga tir-tiro si inta hartana lagu yiraahdo kaalaya oo gaalada dhaantada u ciyaara kadibna Allow i bixi ay ka dhacdo. Waana muhimmada ugu wayn ee gaalo idiin soo maal gelisay, rag baase Alle SW tala saartay oo gaashaanka idiin daruuray.

Sidaad u lahaydeen waa afar wadad ee hala soo qab-qabto ayaa waxaa idinku dhacay wax aydaan fillayn. Siduu shaacirku yiri:

إذا رأيت نيوب الليث بارزة فلا تظنن أن الليث مبتسم

Haddaad aragto miciyo libaax soo muuqda

Ha moodin libaaxu inuu dhoolla cadayn

In gaalada looga hiiliyo dad muslimiin ahna waa arin gaalnimo iyo diin kabax ah. Siduu Allaah SW uu yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ / المائدة / 51

Mu’miniineey haka yeelanina Yuhuudda iyo Nasaarada sokeeye ( Aad jeceshihiin ) ( Maxaa yeelay ) qaarkood qaarka kale buu xigaa, qofka ka yeesha sokeeye oo idinka idiinka mid ahna iyaguu ka mid yahay, Allana ma hanuuniyo dad daalimiin ah ( oo gaaloobay )

Sh. C/Casiis Ibnu-Baaz RC wuxuu aayadan kala soo dhex baxay fatwo aad cabiri karto fiqiga Alle SW uu ku manaystay Sheekha RC wuxuuna yiri:

وقد أجمع علماء الإسلام على أن من ظاهر الكفار على المسلمين وساعدهم بأي نوع من المساعدة فهو كافر مثلهم كما قال تعالى: يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ / المائدة / 51

فتاواه / 1 /274

Waxay ku ijmaaceen ( Oo ay ku kulmeen iskuna raaceen ) culimada islaamka ruuxii gaalada uga hiiliya muslimiinta ( Oo gaalada la jirsada ) isla markaana taageera ( kaalmeeya oo u gargaara ) nooc walaba oo kaalma ah ( Af, adin ama dhaqaale ) qofkaasi waa gaal iyagoo kale ah ( Gaalka uu taageerayo iyo isaga taageerayaba waxba kuma kala duwana oo waa isku mid ). Kadibna aayadii buu akhriyay sheekhu RC.

Waana fatwadii uu cuskaday Sh. Albaani RC kolkii Wax laga waydiiyay dagaalkii khaliijka ee ciraaq lagu duulayay 1990kii wuxuuna yiri fatwadan toosan ee sh Ibnu-Baaz RC waxaa laga qaadanayaa laba arin midood. Wuxuuna yiri sheekhu RC:

إما أن يكون الذين استعانوا بالكفارليسوا مسلمين ، وإما أن يكون المستعان بهم هم من المسلمين.

أشرطة الشيخ / 461

In kuwa kaalmaystay gaalada ( kuwaa uu sheehku sheegayana waa xukuumada sucuudiga ) aysan muslimiinta kamid ahayn, ama kuwa la kaalmaystay ( Oo ah Ameerikaan Iyo Ingiriis ) ay muslimiinta kamid yihiin ( Labadaa arimood waxba kama dhaxeeyaan )

Waliba Sh. Naasir wuxuu intaasi raaciyay: Hadduusan muwaalaadkii lagu gaaloobaayay uusan midkaan ahayn, maba jiro muwaalaad lagu gaaloobo. Haddii Alle idmana fatwadii oo dhammaystiran kitaabka dhexdiisa ayaad ugu tagi doontaa.

Xattaa haddii ay hadda soo islaamaan Ameerikaan iyo Ingiriis u shafeeca qaadimayso xukuumadaa Sucuudiga marka miisaan la saaro fatwada sh. Naasiru-Diin Albaani RC, maxaa yeelay shardigu wuxuu ahaa kolkii ay kaalmaysanayeen Ingiriis iyo Ameerikaan muslimiin ma ahaayeen labadaa dowladood ee kufaarta ah? Jawaabtu waa maya. Sidaa darteed ma naqaan meel qiil looga raadiyo xukuumadaa uu ridada ku xukumay Sh Albaani RC. Taana kama dhalanayso in ay shacabka xukuumadaa hoos tagta ay gaaloobeen sida khawarij ama takfiiriyiin qolada loo yaqaan ay tiraahda oo kale:

إذا كفر الراعي كفرت الرعية

Hadduu xaakimku gaaloobo bulshada uu xukumaana way la gaaloobi

Waxaa sidoo kale horay u daliishaday Ibnu-Xazam RC aayadaa inay ijmaac tahay qofka gaalo taageera oo muslimkana ka hiiliya. Wuxuuna yiri Sheekhu RC:

صح أن قوله تعالى : ومن يتولهم منكم فإنه منهم : إنما هو على ظاهره بأنه كافر من جملة الكفار , وهذا حق لا يختلف فيه اثنان من المسلمين / المحلى / 11/138

Sida saxda ah waa in aayadaa daahirkeeda loo daayo ( Oo aanan waxba laga leexinin tafsiirkeeda ) Maxaa yeelay ( Waxay aayadu tilmaamaysaa qofkaa gaalada ka wali yeeshay inuu yahay ) gaal duu-duub ahaan usoo hoos galaya gaalada ( Oo iyaga gaalada ah ka tirsan ) Waana xaq ay laba muslimiinta kamid ah aysan isku khlaafin.

Sh Axmad M Shaakir RC baa sidoo kale fatwo ku dhisay isla aayadaasi:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ / المائدة / 51

Wuxuuna soo saaray Risaalo uu ku magacaabay:

كلمة الحق

Kalimaddii Xaqqa Ahayd

Risaaladaa uu ku caddaynayay dadka lasocday ingiriiska iyo faransiiska oo xilligaa masar iyo buldaan kale oo muslimiin leedahayba duulaan ku ahaa inay diinta ka baxeen. Wuxuuna Sheekhu RC baabkaasi uu cinwaan ugaga dhigay:

بيان إلى الأمة المصرية خاصة وإلى الأمة

والإسلامية عامة / 149 العربية

Bayaan ku socda ummadda reer masar gaar ahaan, ummadaha carabta iyo muslimiintana caam ahaan.

Kadibna Sheekhu RC wuxuu yiri:

أما التعاون مع الإنجليز, بأي نوع من أنواع التعاون, قلّ أو كثر, فهو الردّة الجامحة, والكفر الصّراح, لا يقبل فيه اعتذار, ولا ينفع معه تأول, ولا ينجي من حكمه عصبية حمقاء, ولا سياسة خرقاء, ولا مجاملة هي النفاق, سواء أكان ذلك من أفراد أو حكومات أو زعماء. كلهم في الكفر والردة سواء, إلا من جهل وأخطأ, ثم استدرك أمره فتاب واخذ سبيل المؤمنين, فأولئك عسى الله أن يتوب عليهم, إن أخلصوا من قلوبهم لله لا للسياسة ولا للناس.

In la kaalmaysto Ingiriiska nooc walba oo kaalmaysi ah ha yaraado ama ha badnaado waa diin kabax aad u daran, iyo gaalnimo cad, aanan aqbalaynin cudurdaar, aanan anfacaynin tafsiir ( khalad ah oo aad adigu ka fahantay ) kumana badbaadayo qofka ay ku xambaartay qabyaalad doqonnima ah, iyo siyaasad indha la’aan ah, mujaamalo ( isjeclaysiin aan waxba ka jirin ) oo munaafaqad ah, waana isaga mid arinkaa qof-qof ama dawlado, ama madax ( noocuu doonno ha ahaado, sida madaxda qabaailka ama xukuumadda ) dhammaantood gaalnimada iyo diin kabixiduba way u siman yihiin, oo aan ka ahayn qofka jaahilka ka ah ee khaladamay kadibna isdaba qabtay ee tawbad keenay kadibna qaaday jidkii mu’miniinta kuwaasu waxaa suurowda in Alle uu ka tawbad aqbalo haddii ay Alle u khaalis yeelaan quluubtooda oo aysan ka ahayn mid siyaasad ku dhisan ama dad ku raali garayn. Wuxuu intaa sii raaciyay:

Waliba Sheekhu RC wuxuu aad uga waaniyay muslimiinta rag iyo dumarba inay ogaadaan kuwaa gaalada soo raacay ay xaasaskii kala furmeen oo halkaasi nikaaxoodii uu ku buray wax ka dhaxeeyaana ma jiraan haday ahaan lahayd nasab iyo dhaxal midna kama dhexeeyaan. Qofkase tawbad keena oo iyaga kamid ah isla markaana cadawga la dagaalama ummadana u gargaara wali isuma ahaanayaan reer is qaba ilaa la sameeyo nikaax cusub. Iyo waliba inay iska hubiyaan inta aanay guursan inuu kamid yahay qoladaa la tuuray ee ridoday. Wuxuu kaloo sheegay Sheekhu RC haddii qof dumar ah ay ku raali noqoto sidaana xaas ugu ahaato iyaduna way raaci oo diinta way ka bixi. Alle baan nabad waydiisanaynaa. Fatwadaa iyada oo dhammaystiran waxaan kusoo guurin doonaa haddii Alle idmo isla kitaabkan gudihiisa. Inta yare ee aan idiin soo koobayna waa tan hoosta ku qoran. Qofka dheeraad rabaana websaydyada soomaalida baan u diray hadda ka hor qofkii rabaana xagaa haka raadsado maqaalka aan ku magacaabay: Way Gaaloobeene Kala Guura.

ألا فليعلم كل مسلم وكل مسلمة أن هؤلاء الذين يخرجون على: دينهم ويناصرون أعدائهم, من تزوج منهم فزواجه باطل بطلانا أصليا, لا يلحقه تصحيح, ولا يترتب عليه أي أثر من أثار النكاح من ثبوت نسب وميراث وغير ذلك. وأن من كن منهم متزوجا بطل زواجه كذلك, وأن من تاب منهم ورجع إلى ربه وإلى دينه, وحارب عدوه ونصر أمته, لم تكن المرأة التي تزوج حال الردة, ولم تكن المرأة التي ارتدّ هي في عقد نكاحه: زوجا له ولا هي في عصمته وأنه يجب عليه بعد التوبة أن يستأنف زواجه بها, فيعقد عليها عقدا صحيحا شرعيا, كما هو بديهي واضح.

ألا فليحتط النساء المسلمات, في أي بقعة من بقاع الأرض, وليتوثقن قبل الزواج من أن الذين يتقدمون لنكاحهن ليسوا من هذه الفئة المنبوذة الخارجة عن الدين, حيطة لأنفسهن ولأعراضهن, أن يعاشرن رجالا يظنونهم أزواجا وليسوا بأزواج, بأن زواجهم باطل في دين الله.

ألا فليعلم النساء المسلمات, اللائي ابتلاهن الله بأزواج ارتكسوا في حمأة هذه الردة, أن قد بطل نكاحهن, وصرن محرمات على هؤلاء الرجال, ليسوا لهن بأزواج, حتى يتوبوا توبة صحيحة عملية, ثم يتزوجوهن زواجا جديدا صحيحا.

ألا فليعلم النساء المسلمات, أن من رضيت منهن بالزواج من رجل هذه حاله, وهي تعلم حاله, أو رضيت بالبقاء مع زوج تعرف فيه هذه الردة: فإن حكمها وحكمه في الردة سواء.

ومعاذ الله أن ترضى النساء المسلمات لأنفسهن ولأعراضهن ولأنساب أولادهن لدينهن شيئا من هذا.

Sidoo kale haddii aad u fiirsato gabayadii Sayid M. C/lle Xasan RC ee uu ku kufri xukumayay qolooyinkii raacay ee ka garab dagaalamayay Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaad garan kartaa in uu ku xukumay aayaadan aan soo sheegnay iyo kuwa lamidka ah. Waxaana gabayadiisii kamid ahaa:

Nin aqdaamo Faranjiya, maantiyo abuurin  Ama aaladda u sida, ama awrtaba u rara  Ama arigaba u qala, ama laba ugaarsada  Ama uba ilaala ah ama uurka kala jira  Ashahaado beeniyo, islaannimo ha lagu dhaqo  ILaahayna nama oran, anna ma ogolaan karo

Sayidku RC dad Soomaali gala-raac ahayd buu ku xukumay inay gaaloobeen wuuna ku jihaaday umana kala soocnayn iyaga soomaalida ah iyo kuwa ay raaceen, waxayna ukala ahaayeen gaal cad iyo gaal madow.

Sayidka RC oo isticmaarka ku jihaaday wixii raacay isticmaarka ee daba dhilif u ahaana intuu moorada islaamka ka saaray oo ku yiri: Gaalo baad tihiin lana jihaaday, soomaali aad bay u qadirisaa ilaa maantana wanaagiisa waa la xusaa intaa iyo in ka badana wuu inaga mudan yahay sayidka RC waliba soomaalidu taalo bay u dhiseen, waxaase layaab leh raga hadda cadawga wadanka soo galay ka dhiidhiyay ee halganka kula jira maxay Soomaali u qadarin la’dahay?. Haddaad ku andacoon lahaydeen nimankan dadka bay gaalaysiiyaan, haddii uu arinku sidaa yahay sow tuu sayidkuba RC uu gaalaysiiyay nimanka gaalada la saftay. Waxaan shaki lahayn Sayidka RC iyo raga hadda halganka kula jiraba iskama aysan gaalaysiine xujo iyo baraahiin cad-cad bay u haystaan arintaa, waxaadna ogaataa islaanimadu ma’aha xabag kugu dhegan oo aan kaa fuqayn ee waa inaad ogaataa in sida ay waysada u jabto oo kale islaamnimadana u jabi karto haddii aad la timaado wax buriya islaamnimadaada.

Waxaan shaki lahayn in Soomaalidii hore ay ahaayeen dad aan runta ka war wareegin soomaalida waqooyi iyagu wayba kasii xag jireen xaga saraaxada waxaana taa kuu caddaynaya, mar ay diinta ka baxday haweenay da’ ah oo u dhalatay goboladaa waqooyi xilligii iticmaarka, ayaa kolkii ay dadku maqleen inay haweynaydaasi gaalowday halkii ay ka baroordiiqi lahaayeen bay waxay yiraahdeen: Alla maxay islaamka foolxumo kala dhex baxday! Haddana isaga oo qofku la taagan gaalnimo cad ayaa maro islaam oo been ah la huwinayaa. Waana arinta uu la yaabay saxaabigii jaliilka ahaa Xudayfa Ibnul-Yamaan RC kolkuu la yaabay dad gaalnimo ku dhaqmaya muslimnimana loo wato ayaa wuxuu yiri:

الْمُنَاْفِقُوْنَ الّذِيْنَ فِيْكُمُ اليَوْمَ شَرٌّ مِنَ الْمُنَاْفِقِيْنَ الّذِيْنَ كَاْنُواْ عَلَىْ عَهْدِ رَسُوْلِ اللهِ صَلّىْ اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ.

Munaafiqiinta maanata idinla joogta ayaa ka shar kadan munaafiqiintii joogtay xilligii Rasuulka SCWW.

Kolkaa bay waydiiyeen sababta? Kolkaa buu ugu jawaabay:

إنَّ أولاء كَاْنُواْ يُسِرُّوْنَ نِفَاْقَهُمْ ، وَإنَّ هؤلآءِ يُعْلِنُوْنَ / رواه البخاري.

Kuwaa ( Munaafiqiinta ahaa ee joogay xilligii Rasuulka SCWW ) way qarsan jireene, kuwanise wayba caddaysteen.

Waqtigii ay saxaabo noolayd buu layaabanaa Xudayfa RC. Hadduuse maanta ina arki lahaa Xudayfa RC waxa aan ku sugan nahay moorada yaa ku hari lahaa?.

Sh Muxammad A. Rooble ( Boqol-Soon ) RC wuxuu yiri: qof aan muslim ahayn ma islaamin karno.

Alle SW wuxuu inoo caddeeyay inay munaafiqiintu ay had iyo goor dhaqan u tahay inay gaalada is xejiyaan oo ay jeclaadaan sokeeyana ka dhigtaan:

تَرَى كَثِيرًا مِّنْهُمْ يَتَوَلَّوْنَ الَّذِينَ كَفَرُواْ لَبِئْسَ مَا قَدَّمَتْ لَهُمْ أَنفُسُهُمْ أَن سَخِطَ اللّهُ عَلَيْهِمْ وَفِي الْعَذَابِ هُمْ خَالِدُونَ / المائدة / 80

Waxaad arkaysaa qaar badan oo iyaga ( Munaafiqiinta ) kamid ah inay gacal ( Iyo xigto ) kayeelanayaan kuwa gaaloobay, Waxaa baas lahaaday waxa ay naftoodu u hormarisay ee ah carra Alle oo dushooda ku dhacda ( Maalinta khiyaamana ) cadaabka dhexdiisa ay ku waarayaan.

Kadibna Alle SW wuxuu inoo caddeeyay in gaalada ay waliga ka dhigteen ay daliil u tahay inaysan mu’miniin ahayn. Wuxuuna Alle SW uu yiri:

وَلَوْ كَانُوا يُؤْمِنُونَ بِالله والنَّبِيِّ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ مَا اتَّخَذُوهُمْ أَوْلِيَاء / سورة المائدة/81

Haddii ay ahaan lahaayeen ( Munaafiqiintu ) kuwo rumeeyay Alle iyo Nebiga SCWW iyo wixii lagu soo dejiyay ( Ee waxyi ah ) gaalo gacal kama yeesheen.

Sheikhul-Islaam Ibnu-Taymiyah RC wuxuu kala dhex baxay aayadan:

فدل على أن الإيمان المذكور ينفي اتخاذهم أولياء ويضاده ، ولا يجتمع الإيمان واتخاذهم أولياء في القلبإلخ / كتاب الإيمان / 13

Aayadan waxay tusinaysaa in iimaanka la sheegay uu anfinayo ( uu Diidayo ) ka yeelashada ay gaalaga gacal ka yeesheen wuuna ka hor imanayaa ( IImaanka ), kumana kulmaan iimaan iyo in gacal laga yeesho ( gaalo ) qalbiga

Rasuulkuna SCWW wuxuu yiri:

إنا لا نستعين بمشرك .

Ma kaalmaysano Gaal

رواه أحمد وغيره عن عائشة / صحيح / الصحيحة / 1101

Waliba Rasuulku SCWW wuxuu u diiday rag doonayay inay ka dhinac dagaalamaan iyagoo aan muslimiin ahayn ilaa ay ka islaamaan wuxuuna ku yiri Rasuulku SCWW:

إنّالا نَستَعينُ بالمُشركينَ عَلَىْ الْمُشْركِيْنَ)

Uma-kaalmaysano gaal gaal kale.

رواه أحمد والبخاري في التّاريخ/ عن خُبيب بن يساف / صحيح.

الصحيحة / 1101 / وصحيح الجامع / 2292

Kol haddiiba la diiday in gaal loogu kaalmaysto gaal kale sidee bay suurtogal ku noqon kartaa in gaalo loo kaalmaysto oo lagula duulo si loo dhibaateeyo dad Muslimiin ah.

Dad badan baa waxaa ka dhaadhacsan inaan marnaba diinta loogaga baxayn si walba oo aad gaalada u daba orodo oo aad ula jaan qaado. Taasoo ay ula jeedaan mar haddaad xerada islaamka soo gasho inaadan gaaloobi Karin si walba oo aad gaalnimo ugu dhacdo. Allana SW wuxuu inoo caddeeyay haddaan gaalada warkooda yeelno inay ina gaalaysiinayaan:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوَاْ إِن تُطِيعُواْ فَرِيقًا مِّنَ الَّذِينَ أُوتُواْ الْكِتَابَ يَرُدُّوكُم بَعْدَ إِيمَانِكُمْ كَافِرِينَ / سورة آل عمران/100

Mu’miniineey haddii aad adeecdaan (Aad yeeshaan oo aad aqbashaan baadilkooda) koox ka mid ah Yuhuud iyo nasaaro waxay idiin celin doonaan iimaankiinna dabadii gaalnimo.

Waliba wuxuu Alle SW uu inoogu bayaaniyay aayad dhexdeed inaysan marnaba ka suulaynin inay nala dagaalamayaan ilaa ay ina gaalaysiiyaan hadday awoodaan:

وَلا يَزَالُونَ يُقَاتِلُونَكُمْ حَتَّى يَرُدُّوكُمْ عَنْ دِينِكُمْ إِنِ اسْتَطَاعُوا وَمَنْ يَرْتَدِدْ مِنْكُمْ عَنْ دِينِهِ فَيَمُتْ وَهُوَ كَافِرٌ فَأُوْلَئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فِي الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ وَأُوْلَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ.

البقرة / 217

Kama suulayaan inay idinla dagaalamaan ilaa ay dib idinka celiyaan diintiina hadday karaan, qofka idinka mid ah ee diintiisa ka laabtana ee ku dhinta gaalnimo kuwaasi way burtay acmaashoodii adduun iyo aakharaba, kuwaasina waa ehlu naar, dhexdeeda bayna ku waarayaan.

Rasuulkuna SCWW wuxuu inoogaga waramay in ummadiisa dad badan oo kamid ah ay gaaloobi doonaan. Siduu xadiis dhexdii ku Yiri:

ولا تقوم الساعة حتى تلحق قبائل من أمتي بالمشركين، وحتى تعبد قبائل من أمتي الأوثان،

رواه أحمد وغيره / صحيح / الصحيحة / 1683

Dhicimayso Saacadda ( Qiyaamaha ‏) ilaa ay haleesho qabaail ummadayda kamid ah gaalada, walibana ay caabudo qabaail ummadayda kamid ah sanamyada.

Sidoo kale Imaamu Tabaraani RC ayaa wuxuu warinayaa in saxaabigii jaliilka ahaa abuudardaa RC in uu saxaabada Rasuulka SCWW uu ka maqlay xadiis kadibna wuxuu u yimid Rsuulka SCWW kolkaa buu Abuu-Dardaa RC wuxuu yiri:

قلت يا رسول الله زعموا أنك قلت : سيكفر قوم بعد إيمانهم قال : أجل ولست منهم

رواه الطبراني في الكبير

Waxaan iri Rasuul Allow waxay sheegteen ( Saxaabadii RC ) inaad tiri: Bulsho dhan baa gaaloobi doonta iimaankooda dabadii. Wuxuu Rasuulku SCWW uu yiri: Haa adiguse kamid ma tihid

Riwaaya kale oo xoojinaysa xadiiskaasina waxay leedahay:

ليكفرن أقوام بعد إيمانهم / رواه ابن عساكر عن أبي الدرداء

Wallee waxa gaaloobi doona bulshooyin dhan iimaankooda dabadii

Abuu-Dardaa RC wuxuu yiri:

وَالّذِيْ نَفْسِيْ بِيَدِهِ مَاالإيْمَاْنُ إلا كَالْقَمِيْصِ يَتَقمَّصُهُ مَرَّةً وَيَضَعُهُ مَرَّةً أُخْرَىْ.

رواه أبي بكر الفريابي في كتابه صفة النفاق وذم المنافقين / 40

Allihii Naftayda Gacantiisa Kujirtaan Ku Dhaartaye iimaanku Ma’aha oo aan ka ahayn sida Qamiiska oo Kale, uu marna xirto marna uu iska siibo.

رواه أبي بكر الفريابي في كتابه صفة النفاق وذم المنافقين / 40

Iskaba daa in gaalo lasoo geliyo wadamada muslimiinta si ay u qabsadaan ee waxayba culimadu ka digeen in loo ogolaado wadamada islaamka gaar ahaan Jaziiratul-Carab kuwa gaalada ah ee ku andacooda hawl iyo wax soo-saar baynu u joognaa IWM. Maxaa yeelay Rasuulku SCWW wuxuu yiri:

اليهود والنصارى من جزيرة العرب حتى لا أدع إلا مسلما لأخرجن

رواه مسلم عن عمربن الخطاب

Wallee waan ka saari yahuud iyo nasaaraba jaziradda Carabta ilaa aan ka tagin muslim mooyaane.

1347 Hijriyadii oo ah muddo hadda laga joogo 82 sano maadaama aan hadda ku jirno 1429 Hijriga ayaa culilmadii xilligaa joogtay waxay ka war heleen in boqor C/Caziiz Al-Sucuud oo ahaa boqorkii Sucuudiga ee xilligaa uu damacsan yahay in uu la galo heshiis sharikado ay gaalo leedahay oo soo saarta shidaalka kadibna waxay u direen bayaan ay ku xaqiisanayaan arintaa iyo fatwo ay ku caddaynayaan inay xaaraam tahay in Jaziiratul-Carab meel kamid ah aan manaba loo ogolayn qof gaal ah inuu soo galo. Haddii Alle idmana fatwadii oo sideeda u qoran isla markaana af-Soomaali ku tarjuman iyo masdarka aan kasoo qaatayba kitaabka gudihiisa ayaad ugu tagi doontaa iyo fatwooyinka culimada kale ee isugu jira culimadii hore ee safka, kuwo dhexe iyo kuwa xilligeenna ahba.

Sidoo kale Sh C/Caziiz Ibnu-Baaz RC iskaba daa gaalada iska leh sharikadaha booba hantida muslimiinta ee wuxuuba ka digay shaqaalaha aan muslimiinta ahayn ee ka shaqeeya guryaha, iskuulada IWM. Fatwadaa oo qoran iyo masdarkeeduba kitaabka ayaad ugu tagi doontaa haddii Alle idmo.

Sidoo kale Sh. Naasiru-Ddiin Al- Albaani RC markuu sharxayay xadiiskii Rasuulka SCWW ee lafdigiisu ahaa:

سَتَكُوْنُ مَعَاْدِنُ يَحْضُرُهَاْ شِرَاْرُ النَّاسِ رواه أحمد/ صحيح / الصحيحة / 1885

Waxaa jiri doonta macaadin (sida dahabka, shidaalka IWM ) ay soo saari doonaan dadka kuwa ugu sharka badan).

Ayaa Sheekh Naasir RC wuxuu ku yiri silsalatu-saxiixa:

وَمِمَّاْ لا شَكَّ فِيْهِ أَنَّ شِرَاْرَ النَّّاْسِ إِنَّمَاْ هُمْ الْكُفَّْاْرُ، فَهُوَ يُشِيْرُ إِلَى مَاابْتُلِيَ بِهِ الْمُسْلِمُوْنَ الْيَوْمَ مِنْ جَلْبِهِمْ لِلأوربِيِّْينَ والأمْريْكَاْنَ إلا بِلادِهِمُ الْعَرَبِيَّةِ، لإسْتِخْرَاْجِ مَعَاْدِنَهَاْ وَخَيْرَاِتَهَاْ. وَالله ُالْمثسْتَعَاْنُ.

Waxaan shaki lahayn inay kuwaasu yihiin gaalada, Rasuulkuna SCWW

wuxuu tilmaamayaa waxa lagu ibtileeyay muslimiinta maanta joogta taasoo ah inay keenaan Yurubta iyo Ameerikuba buldaantooda Carbeed, si ay ula soo baxaan macaadintooda iyo khayraadkooda Allaah baana ah mid lamagan galo.

Waxaa sidoo kale isagana ka dhiidhiyay sheekheena Shariif C/di-Nuur Xafidahullaahu wacaafaah, markii ciidamadii gaalada ahaa ee UNISOM ay imanayeen Soomaaliya 1992kii iyagoo kusoo gabbanayay dadka abaaraha ay aafeeyeen baan quudinaynaa ayuu sh. Shariif C/di-Nuur XFL wuxuu dadku ku booriyay in aan lasoo dhawayn gaaladaa mucaawanada kusoo gabbanaysa, wuxuuna qabtay muxaadaro uu ku magacaabay:

لا مَرْحَبًا بِهِمْ إِنَّهُمْ صَالُوا النَّارِ / سورة ص / 59

Soo dhawayn maleh ehlu-naarka

Waana tii uu ka shirbay Abshir bacadle Allaha Dhowree markuu arkay cunto mucaawano lagu sheegay oo hub iyo ciidanna ay garab socdaan. Kolkaa buu wuxuu yiri:

Ganley Gaduuda Waan Gartee

Garnayl Miyow Goosaar Noqdaa

Sidaa bayna culimada iyo wax garadkuba weligood ahaayeen oo wixii khatar ah ee kusoo fool leh umadda intaynan dhibaatadaa ku dhicin bay uga digi jireen. Maxaa yeelay iyaga ayaa ugu fiira dheer in la garto khatar walba oo ummada loo maleego. Waana sida uu yiri Al-Imaam Xasan Albasri RC:

إذا اقبلت الفتنة عرفها كل عالم , وإذا أدبرت عرفها كل جاهل

Goorta ay soo qaabisho fitnadu waxa garta caalim kasta, marka ay fitnadu ( dhacdo ) oo ay dhabar jeedisana waxaa garta qof kasta oo jaahil ah

Kolka warkoodii la yeeli waayayna waxa hadda socda ee dulli iyo dan dara ah baa umadda ku habsaday.

Markii ay gaaladu kusoo duushay muslimiinta iyaga oo kaashanaya kuwo muslim ku sheeg ahna culimadu waxay qaateen mamawaaqif cad-cad oo ka tarjumaysa dhiiranaantooda iyaga oo dhaqan gelinaya adillada kusoo aroortay ee aan kor kusoo xusnay iyo kuwo kale oo fara badanba ee mamnuucaysa gaala daba orodka iyo kusoo hogaaminta wadamada muslimiinta, umaddana u caddeeyay in gaala u hiilintu ay tahay diin kabax.

Su’aal

Culimadii xilkoodii waa ay guteen ducaada masaajidda haysataa maxaa helay. Masaajidadii iyo kutubtiiba way inoo dhan yihiine maxaa looga hadli la’yahay arintan iska cad ee qof walbaaba uu fahmi karo qatarteeda?.

Wadaadadu waqtiga ay u hayaan inay kaga waramaan suufiya iyo wixii lamid ah, kuwa soo geliya wadamada islaamka gaaladana laga warwareegto maxaa daliil ah oo aad u haysaan?

Shaki maleh inaad ku sifowdeen ninkii la oran jiray Abul-Calaa Al-Macari. Wuxuu noolaa xilligii cabaasiyiinta ayaa wuxuu aaminsana waxyaabo hadda waxa loo yaqaano faylisoofnimada. Waxyaabihii uu aaminsanaana waxaa kamid ahaa, in aan xoolaha la qalin maxaa yeelay adiguba ma ogolid in lagu qasho, waxaa kaloo kamid ahaa in digaaga aan ukunta laga cunin maxaa yeelay waxay u dhashay ukuntaa inay ilmo ka hesho. Sidoo kale in loo daayo xoolaha caanahooda, maxaa yeelay waxay ugu tala gashay in dhasheedu u cabto, wuxuu kaloo oran jiray, haddii aakharo la tago ilaahay waxba I waydiin maayo maxaa yeelay anigu ma guursan sidaa darteed waxa caalamka ka dhacaya ee dagaalo iyo dhiig daatayba waxa la waydiin doonaa inta guursatay ee wax dhashay. Kadib wuu xanuunsaday waxaana lagu yiri: waa inaad digaag cuntaa haddii kale wad dhimanaysaa, waxa sidaa ku lehna waa dhaqtarkii dawaynayay. Kolkaa buu diiday. Kadib baa lagu celceliyay inuu cuno digaagaddaa, kadib wuu ogolaaday oo wuxuu yiri ii keena, markii loo keenay buu wuxuu billaabay in uu lahadalo digaagaddii oo shiilan oo hortiisa taala. Wuxuuna ku yiri digaagaddii:

استضعفوك فوصفوك ، هلا وصفوا شبلي الأسد

Way ku yaraysteenoo kolaa bay ku ishaareen, hadday run sheegayaan may ishaaraan ilma libaax

Maxaa yeelay way ogyihiin ilma-libaax inaan lasoo qaban Karin si walba uu daawo u noqdo.

Wadaadada waxaa u sahlan inay maanta oo dhan suufi la cayrsado kuwa ka daran ee gaalada wadanka soo geliyayna laga warwareego. Su’aashaasi jawaabteeda idinka ayaan idiin daayay maxaa yeelay waan ku wareeray.

Waxaan walalaha war gelinayaa inay fasax idiin tahay oo aad ka koobi-garaysan kartaan walaalaha kalena aad gaarsiin kartaan idinka oo xifdinaya maadaama uu ku qoran yahay kalaamkii Alle SW iyo Axaadiistii Nabiga SCWW iyo fataawada culimada ay kasoo qaateen kitaabka iyo sunnaha.

وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.

Waxaan Akhriyey ”The 100” ( Buug cajiib ah)
Qore: Ilyaas Maxamud Xuseen | Ilyas_mah@hotmail.com
Qaybtii 1aad
Hordhac
Seddax todobaad oo fasax ayaan haystey bishii Disember 2004 oo maalmo kamid ah wadamadan reer galbeedka looga dabaaldego awgeed, sidaa daraadeed ayaan waxaan jeclaystey in aan akhristo buug ka duwan bugaagta aan wax ka barto (economics), waxaan go’aansadey in aan akhriyo buug taariikhda ka hadlaya, waxaa maskaxdayda ku soo dhacey buug aan in mudo ahba ku fekeraayey in aan akhriyo kaas oo ah “ The 100 a ranking the most influential person in history “. Waa buug ka hadlaya 100-ka qofood ee saameeynta ugu weyn ku reebey nolosha bani’aadanka. Madaama buuga aan aad ulla dhacey ayaan waxaan gartey in muraajaco kooban ka siiyo Soomaalida kuwooda jecel qoraallada taariikhda ka hadla.

Qoraaga buuga The 100 wuxuu isku soo aruurshey boqolka qofood ee taariikhda dunida wax weyn ka badaley ama saameeyn weyn ku reebey nolosha bani’aadanka. Ragga buuga lagu xusey waxay isugu jiraan Saynisyahano dunida ku soo kordhiyey aqoon ama sancad hore u jirin, siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal dagaal, filosofiin, hogaamiyayaal diin, qoraayaal, farshaxanlayaal iyo sahanmiyeyaal (Explorers), kuwaasoo noolaa 600 sano ka hor dhalashadii nabi Ciise ilaa iyo qarnigii 20-aad. Ragga buuga ku jira waa niman wax ka bedeley malaayiin dad ah oo dunida ku nool habka ay u noolyihiin ama u fekeraan, waa rag sabab u noqdey in ay dhismaan ama burburaan xadaarado (Civilizations) badan oo dunida soo martey ama maanta ka jira. Buugan The 100 waxuu noqdey buug aad looga gatey dunida oo idil waxaana lagu tarjumey in ka badan 35 luqadood oo ay ka mid tahay luqada Shiineeska.

Qoraaga Buuga

Ninka buuga qorey waxaa la yiraah Michael H. Hart waa nin dhalashadiisu tahay Mareykan wuxuu haystaa sedax shahaado jaamacadeed. Hart waa (astronomer, mathematician, lawyer, scientist) . Wuxuu u shaqeyn jirey NASA, wuxuuna wax ka dhigi jirey jaamacada (Maryland, USA). Waa nin noloshiisa intii badnayd ku qaatey waxbarasho.

Qaar ka mid ah ragga buuga lagu xusey

Buuga waxuu Dr Hart ku soo aruurshey boqolka qofood ee uu u arkey in nolosha bani’aadamka wax ka bedeleyn. Raggaas waxaa ka mid ah nabiyo sida nabi Maxmed , nabi Ciise, nabi Muuse. Saynisyahano sida Isaac Newton, Louis Pasteur, Galileo Galilei, Albert Einstein, James Watt, Michael Faraday iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo buuga lagu xusey hogaamiyayaal wadan iyo hogaamiyayaal dagaal sida Alexander the Great, Napoleon Bonaparte, Adolf Hitler, Simon Boliver, George Washington, Genghis Khan iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo buuga lagu xusey rag filosofiin ah oo dunida ku soo kordhiye aragti iyo falsafooyin cusub sida Aristotle, John Locke, Rene Descartes iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo buuga ku xusan rag suugaanta iyo fanka casriga kor u qaadey sida Ludwig van Beethoven, William Shekespeare, Voltaire. Waxaa kaloo buuga lagu xusey rag kaloo badan oo caan ah oo taariikhda magac ku reebey kuwaasoo nolosha bani’aadamka wax weyn ka bedeley.

DR Hart oo u doortey in uu liiskiisa hogaamiyo nabi Maxamed (csw)

Dr Hart wuxuu u kala hormarshey ragga buugiisa ku xusan sida ay u kal muhiimsanyihiin, asaga oo eegayo hadba inta ay la’egtahay saameeynta ay raggaas ku sameeyeen nolosha bani’aadanka iyo inta qarni ay socotey saameyntooda. The 100 waxaa markii u horeysey la daabacey sanadkii 1978. Goortii buuga uu soo baxey wuxuu amakaag iyo yaab ku ridey boqolal kun oo Mareykan ah kadib markii ay arkeyn in uu nabi Maxamed yahay ninka uu Dr Hart u doortey in uu hogaamiyo liiska buugiisa. Dadweynihii Mareykanka ahaa waxey aad ulla yaabeen Xulashada Dr Hart waxayna dad badan isweydiiyeen sababta keentey Wadanku waa Mareykan, qoraaga waa nin Masiixi ah, dadka loogu tala galey in buuga akhristaan waa dad Mareykan ah iyada oo arimahaas oo idil jiraan ayuu hadana qoraaga buuga nabi Maxamed u doortey in uu ka dhigo qofka 1aad ee taariikh ebed soo mara ee ku reeba saameynta ugu weyn nolosha bani’aadanka.

Dr Hart asaga oo arintaa ka hadlaya wuxuu buugiisa ku leeyahay “My choice of Muhammad to lead the best of the world’s most influential persons may surprise some readers and may be questioned by others, but he was the only man in history who was supremely successful on both the religious and secular levels.” Xulidda aan Maxamed (nabi Maxamed (csw)) u xushey in uu hogaamiyo liiska qofka dunida ugu saameeynta badan waxaa laga yabaa in dad badani ay ka yaabiso qaar kalena su’aallo isweydiiyaan, laakiin asaga (Maxamed) waa ninka keliya ee taariikhda xusto oo si heer sare ah ugu guuleystey dhinac diin iyo mid diinta aan quseynba.

Muxuu ku micneeyey Dr Hart xulashada nabi Maxamed

Dr Hart sababta uu nabi Maxamed (csw) uu uga dhigey lambarka 1aad wuxuu ku macneeyey in nabi Maxamed (csw) dunida ku soo kordhiyey diin, diimaha dunida ka jira kuwa ugu waa weyn mid ka mid ah iyo in uu ahaa hogaamiye karti iyo aragti fog. Sedax iyo toban qarni ka dib dhimashadii nabi Maxamed (csw) in weli sii nooshahay oo awood iyo saameeyn sii leedahay diintii uu la yimid. Dr Hart wuxuu buugiisa ku sheegayaa in dadka intiisa badan ee buugiisa lagu xusey in ay helayn ama haystayn fursad qaali ah oo aan nabi Maxamed aanan helin taas oo ah in ay ku dhasheen kuna barbaareen degaano ay xadaarad (civilization) ka jirto, leh aqoon iyo ganacsi sare iyo siyaasad degan, laakiin in nabi Maxamed (csw) uu Maka ku dhashey oo wagaas ahayd goob aan ka jirin wax xadaarad (ilbaxnimo) ah islamarkaana ka danbeysa dunida inteeda kale dhinaca walba, kana fog wadamadii waqtigaa hogaaminayey aqoonta, ilbaxnimada iyo ganacsiga. Nabi Maxamed (csw) lix jir ayuu ku noqdey agoon isla markaana ma uusan helin fursad uu wax ku barto, waxuuna ku weynaadey asagoo ah (illiterate) ruux aan wax qorin waxna aqrin. Waqtigaa Carabta intii badnayd waxay ahaayeen ugaarsato iyo xoola dhaqato liita, jahligana dhinac walba ayuu ka saameeyey, waxayna caabudi jireen sanabada mana lahayn wax aqoon iyo ilbaxnima ah,waxaana dhaxdooda mar walba ka taagnaa dagaallo ahli ah oo qabiil qabiil ayey isku leyn jireyn..

Bulshadii sidaa u danbeeysey oo jaahilka ahayd, kalana qaybsanayd ayuu nabi Maxamed mideeyey, kadib markii ay Islaamka qateena waxay noqdeyn bulsho xadaarad leh oo dunida hogaamisa waxayna ka adkaadeen boqortooyin awood badnaa oo mudo badan soo jirey sida midii Romaanka(Roman Empire *1), tii Faarisiinta (Sassanid dynasty *2). Carabta tira ahaan ma ahayn dad fara badan, laakiin diinta cusub ay qaateen ayaa waxay ku abuurtey hami iyo geesinimo weyn. Waxay qabsadeen oo islaamka soo geliyeen wadamo iyo dadyow ka xadaarad sareeyey oo wagaa ku hareersanaa jasiiratul carab. Waxay mudo nus qarni ka yar qabsadeen dhulkii wagaa la’dhihi jirey Mesopotamia, oo waqtigaa ka talin jirtey boqortooyadii xooga badneed ee Faarisiinta (Sassanid dynasty) iyo Siriya, Falastiin oo ka talin jirtey boqortooyadii wagaa dunida ugu xooga badneed Roman Empire.

Sanadku markuu ahaa 641 waxay ka adkaadeen oo burburiyeen boqortooyadii Faarisiinta(Persian Empire). 642 Muslimiinta waxaa qabsadeyn Masar oo waagaa ka talin jirtey Boqortooyadii qibdhiyiinta (Byzantine Empire*3) . 711 ciidamadii Muslimiinta waxay furteen waqooyiga Afrika, intaas kuma ekaan ee waxay qabsadeen boqortooyadii Visgothic*4 ee Spain waqtigaa ka talin jirtey. Ciidamadii muslimiinta waxay soo gaareen sanadka markuu ahaa 732 Tours bartamaha wadanka Faransiiska halkaasna waxaa ka dhacey dagaalkii caanka ahaa ee Battle of Tours*5 dagalkaasoo lagu jabiyey ciidamadii Muslimiinta laguna hakiyey dhul balaarsigoodi.

In Carabtii ku nooleyd Jasiirad carab qabsadaan dhul sidaa u weyn kana adkaadaan ummad sidaa u badan oo ka xadaarad sareysa marnaba ma suurtagasheen hadii Carabtu qaadan lahayn diinta nabi Maxamed la yimid. Carabtii waqtigaa waxaa awooda u yeeley isla markaana mideeyey oo dad xadaarad leh ka dhigey waa diinta ay qaateen. Waxaa taariikhda dunida soo marey rag badan oo ummadaha ay la noolaayeen dhaqankooda ama noloshooda wax ka bedeley, ama ka xureeyey gumeeysi xoog ku haystey sida Simon Boliver oo ahaa ninkii la dagaalamey gumeeystihii Spain ee xooga ku haystey koonfur Amerika , hase’yeeshe Koonfur Ameerika mar walba waa ka xuroobi lahayd dowladii Spain xataa haduusan jiri lahayn Simon Boliver oo ma sii socon karin gumeeysigii boqortooyadii Spain. Sidoo kale haduusan Gugliemo Marconi alifi lahayn Raadiyaha, qof kale ayaa soo saari lahaa ama alifi lahaa Radiye oo aqoon lagu soo saari karey dunida wagaa wey jirtey, laakiin arinta Maxamed (nabi Maxamed csw) waa mid ka duwan. Ummadii Carbeed ee qarnigaa nooleed abid kama adkaateen boqortooyinkii ku heeraarsanaa, mana qabsateen dhul sidaa u balaaran, hadii Maxamed ummadaas ka dhalan, horeyna uma dhicin mana jiraan astaamo muujin kara in ay dhici kartey. Carabtu waxaa awooda u yeeley isla markaana mideeyey oo dad xadaarad leh waa ka dhigey waa diinta ay qaateen.

Mudo ka yar hal qarni ayaa diinta Islaamka ku fidey qaarada Afrika, Aasiya, iyo Yurub. Diinta Islaamka waxay mideysey dadyow kala qoomiyada ah, kalana dhaqan iyo luqad duwan. Ummad badan oo Carab ahayn ayey Carab ka dhigtey ka dib markii ay qaateen diinta Islaamka. Geeridii Maxamed( nabi Maxamed swc) waxaa ka soo wareegtey 13 qarni, welina diintii uu la yimid sidii bey awood iyo saameeyn u leedahay. Waa arin aan taariikhda hore u soo marin in hal nin uu bedelo qaabka ay u noolyihiin ummad idil saameeyna ku yeesho ummado kale oo ka dhaqan iyo luqad duwan oo weliba saameyntiisu ay sii socoto qarniyaal sidaa u badan. Sababahaas aan kor ku soo xusey ayaa igu kalifey in Maxamed aan ka dhigo ninka koowaad ee taariikhda bani’aadamka ebid soo mara oo la yimaada ama kasbada saameeyn ugu weyn (the most influential person in history).

Sababta aan Maxmed ((nabi maxamed (csw)) aan uga hor mariyey Ciise (nabi Ciise csw) waa Maxamed diinta uu la yimid cid kale saameeyn iyo faragelin kuma yeelan laakiin diinta uu Ciise la yimid oo maanta aamminsanyihiin dadka Misiixiga ah waxaa saameeyn weyn ku yeeshey S.Paul oo ah ninka faafiyey caqiidada maanta ay aamminsanyihiin dadka misiixiinta ah taas oo ah in Ciise uusan ahayn nabi keliya ee uu ahaa wiilka Ilaah, waana qoraaga qorey inta badan kitaabada diinta Kirishtanka (New Testament) ee maanta ay aamminsanyihiin Misiixiyinta dunida ku nool. Ciise wax qoraallo ah lagama qorin intuu nolaa isla markaana afkiisa lagama maqlin asaga oo sheegaya in uu yahay wiilka Ilaah ama Ilaahnimo.

Maxamed diinta uu la yimid iyo kitaabka Qu’raanka cidna kuma sameeyn faro gelin. Qur’aankana Maxamed intii uu noolaa ayaa gebi ahaanba la aruurshey sidaa darteed diinta Islaamka asagaa mas’uul ka ahaa caqiidada ay xanbaarsan tahay iyo hirgilinteedaba. Tan Kirishtaankase waxaa la qorey oo la soo aruurshey sanooyin kadib markuu Ciise geeriyoodey,waxaana faragelin ku sameeyey S.Paul sababbahan awgood ayaan Maxamed uga hor mariyey Ciise.

Muhammad played a far more important role in the development of Islam than Jesus did in the development of Christianity. Although Jesus was responsible for the main ethical and moral precepts of Christianity, St. Paul was the main developer of Christian theology, its principal proselytizer, and the author of a large portion of the New Testament.

Muhammad, however, was responsible for both the theology of Islam and its main ethical and moral principles. In addition, he played the key role in proselytizing the new faith, and in establishing the religious practices of Islam. The influence of Muhammed through the medium of the Koran has been enormous It is probable that the relative influence of Muhammad on Islam has been larger than the combined influence of Jesus Christ and St. Paul on Christianity. On the purely religious level, then, it seems likely that Muhammad has been as influential in human history.

***********************************

Sharaxaad taariikheed kooban

*1. Roman Empire: Boqortooyadii Roomaanka waxay ahayd boqortooyo aad u awood badan kana talin jirtey dhul aad u balaaran. Dhulka boqortooyadaa ka talin jirtey wuxuu ka soo bilaabmey Bartamaha dhulka maanta loo yaqaan Great Britain ilaa iyo dhulka maanta loo yaqaan Siiriya iyo Falastiin iyo qayb weyn oo ka mid ah dhulka Masaarida iyo qayb ka mid ah waqooyiga Afrika (eeg sawirka hoose). Waqtigii ay dhismatey oo dhab ah boqortooyadii Roomaanka lama hubo, dadka taariikhda wax ka qorana waa isku khilaafsanyihiin laakiin waxaa loo badiyaa in boqortooyadaa dhismatey markey taariikhdu ahayd 753 dhalashadii nabi Ciise ka hor.

*2 Sassanid dynasty: Waxay ahayd boqortooyo aad u awood badan oo ay hogaamin jireen Faarisiinta (Persians) waxayna ka talin jireen dhul aad u balaaran, dhulka maanta loo yaqaan Turkey, Iran , Iraq, Azerbaijan, Armenia, Georgia iyo qayb weyn oo ka mid ah India, Pakistan iyo Afganistan (eeg qaaridada hoose). Boqortooyada Faarisiinta (Sassanid dynasty) waxay dhismatey sanadku markuu ahaa 228. Roman Empire iyo Sassanid dynasty waxay ahaayeen labada boqortooyo ee dunida ugu awooda badnaa qarnigii 2aad ilaa iyo kii todobaad dhalashadii nabi Ciise (csw) ka dib, waxaana mar walba ka dhaxeen jirey dagaallo joogta ah. Boqortooyadaa Faarisiinta waxay inteeda badneed burburtey sanadka markuu ahaa 641 goortaa oo ciidankii muslimiintu ka qabsadeen dhulkii Faarisiinta ka talinjireen oo ku jirto magaallo madaxdii boqortooyadii Faarisiinta Madaa’in. Waqtigaa waxaa muslimiinta xukumi jirey Cumar Bin khidhaab,hase’yeshee boqortooyadii Faarisinta dhulka ay ka talin jirtey waxaa gebi ahaan la qabtey waqtigii muslimiinta uu hogaaminayey Cusmaan bin Cafaan 651.

*3 Byzantine Empire: Boqortooyadii Roomaanka waxay u qaybsantey laba qayb sanadku markuu ahaa (284-305). Qaybintaa waxaa ka danbeeyey boqorkii waqtigaa awooda hayey Diocletianus. Boqor Diocletianus wuxuu dareemey in ay adag tahay in boqortooyadiisa hal meel looga taliyo madaama dhul balaaran gacanta ku hayeen, sidaa darteed ayuu boqortooyadi u qaybshey qayb galbeed iyo qayb bari. Qaybta galbeed wuxuu awooda u dhiibey Maximian oo ahaa ku xigeynkiisa. Sidaas ayey ku dhismatey boqortooyadii Byzantine oo noqotey qaybta bari ee boqortooyadii Romaanka. Mudo qarniyaal ahna waxay ka talin jirtey koonfurta iyo bariga qaarada Yurub iyo dhulka maanta loo yaqaan Falastiin iyo Siiriya, waxay kaloo gacanta ku hayeen qayb ka mid ah dhulka Masaarida iyo qayb ka mid ah waqooyiga Afrika. Sanadku markuu ahaa 306 waxaa awooda Boqortooyada Romaanka dhinaceeda bari la wareegey Constantine the Great, wuxuuna magaallo madax ka dhigtey magaallada Istanbul oo waagaa dadka Gariiga ah u yaqaaney Byzantine,wuxuuna ka soo wareejiyey magaallada Rom. Magacii Byzantine waxaa loo bedeley “Constantinople”. Costantine the Great ayaa magaallada loogu magac darey, hase’ahaate boqortooyadii waxay qaadatey magicii magaallada Byzantine, sidaas ayeyna ku sameysmatey boqortooyadii Byzantine Empire, waxayna awooda boqortooyadaa jirtey mudo 1000 sano ku dhow 306 ilaa iyo 1453, goortaas oo boqortooyadii Cismaaniyiinta jibisey boqortooyadii Byzantine, gacanta u gashey magaalladii Kostantinaboli ( oo maanta loo yaqaan Istanbuul).

*4 Visigothic: Goortii ay burburtey qaybta waqooyi ee boqortooyadii Roomaanka 418 ayaa dhowr qabiillo oo asal ahaan ka soo jeedey Jarmal qabsadeen koonfurta Faransiiska. Sanadku markuu ahaana 429 waxay qabsadeen dhulka maanta loo yaqaan Spain halkaas oo ay ka dhisen boqortooyo la magac baxdey Visigothic, waxayna boqortooyadaa dhulkaa ka talisey mudo ku dhow 250 sano. sanadka markuu ahaa 711 ayaa ciidamadii Islaamka burburiyeen boqortooyadaa markii ay qabsadeen Spain.

*5 Battle of Tours: Waa dagaal si aad ah u xusto taariikhda wadamada reer galbeedka waa dagaalkii lagu jebiyey laguna hor istaagey dhul balaarsigii ciidamadii Muslimiinta . Dagaalkaa waxuu dhacey sanadka markuu ahaa 732 wuxuuna ka dhacey bartamaha dhulka Faransiiska wuxuuna ka dhacey magaallada Tours halkaa waxaa lagu diley hogaamiyihii ciidanka Muslimiinta Amiir Cabdiraxmaan. Dadka wax ka qora taariikhda reer galbeedka waxay yiraahdaan hadii dagaalkan Muslimiinta ka guuleeysan lahaayeen ciidamadii Fransiiska oo uu hogaaminayey Charles Martel waxaa halis geli lahayd jiritaanka diinta Kirishtanka mana jirin ciidan kale oo reer galbeed ah oo hor istaagi karey ciidamadii Muslimiinta.

La soco qaybta 2aad oo aan ku soo qaadan doono ragga kale ee buuga lagu xusey

Ilyaas Maxamuud Xuseen
(Gothenburg, Sweden)
Ilyas_mah@hotmail.com

Warqadii jawaabta ahayd, ayaan qoray, waxaana u dhigay sidan:-

Dear Hani.

Marka hore, waxaan hawada kuu soo marinayaa salaan walaaltinimo iyo mid asxaab tan ugu qiimaha badan, salaan kadib xaalkeyga waa dhag, kaagana sidaa iyo si ka wanaagsan, ayaan filayaa inuu yahay.

Salaan kadib, waa ay isoo gaartay warqadaada, waana aqriyay, waad ku mahad san tahay runtii xiriirka aad ila soo sameysay iyo sida aad ugu dhiiratay inaad banaanka soo dhigto wixii qalbigaaga ku jiray, waan dareemi karaa in qof jaceyl uu galay aysan arrimihiisu fududeyn, waana ogahay in waxa kaliya ee qalbiga ceynkaasi ah kaafin kara inuu yahay in waxa uu ku haminayo uu helo.

Ani ahaan ma jeclaan lahayn in qalbi jaceyl la holcaya aan kusii shubo shidaal, laakiin mararka qaar xaaladaha ayaa kugu qasbaya inaad sameyso wax aadan jecleysan lahaa in adiga xitaa lagugu sameeyo.

Si kastaba waxaan aad uga xumahay in waqtigan la joogo aan rumeyn karin riyooyinka qalbigaaga, igamana ahan xumaan iyo ku niyad dilo ee marxaladda ayaa sidaa tiri, waxaan aad uga xumahay inaan aqbali karin codsigaaga, islamarkaana aanan waxba ka qaban karin dhibka jaceyl ee ku haya, marka wxaaan ku lee yahay dul qaado, maalmaha yar ee xusuusteeda ay qalbigaaga gubeyso, kadibna adaaba iska key ilaawi doona.

Hani waxaan si gaar ah kaaga codsanayaa, oo aan jeclaan lahaa in waayitaankeyga aadan noloshaada u ciqaabin, isku day inaad adkeysato, hadaad aniga i seegtay macnaheeda maahan inaad nolosha ku guul darreysatay, marka noloshaada dhib ha u horseedin hana kalifin, taas waa iga codsi, , waxaan kuu rajeynayaa nasiib wacan iyo wiil aniga iga wanaagsan oo riyooyinkaaga kuu rumeeya, waana ku kalsoo nahay inaad heli doonto. bye

From; walaakaa Xamza Xaaji

Markii aan warqadda qore ayaan habeenkaasi sidaa ku seexday, subaxii markii aan shaqada tagay, ayaan is aragnay Hani, iyadaa igaga horeysay xarunta shaqada’e, markii ay dhaayaha iga qaaday, ayay dhankeyga usoo socotay, iyada oo i dhaheysa “subax wanaagsan Qaaligeygii Xamzow”,
“wanaagsan oo wacan” inta hadal ugu gaabiyay, ayaan usii raaciyay “gees inoo bixi”, markaasay inta ay gacanta iga
qabatay ii jiiday dhinaca xafiiskeeda, markii aan xafiiska galnay, ayaan ku iri “Hani, hadal badan kama gaaro’e,
warqaddan hoo, waana kaa sii tagayaa, inta ay dhoola caddeysay, ayada oo aad moodo inay farxad dheeri ah ka muuqato, ayay igu tiri “mahadsanid qaaligeygiiyow”.

Intaa kadib aniga xafiiska ayaan isaga baxay, wixii waqtigaasi ka dambeeyayna, maalinkaasi oo dhan Hani shaqada kumaan arag, waxaan u qaatay inaysan xafiiska kaba soo bixin, oo ay ciil iyo walaahow, halkaa isugu kali yeeshay, anna waqti isagama aan lumin raadinteeda’e, markii aan shaqadeeda dhameystay, ayaan iska soo baxay, waxaan aaday hoygeenii, Hooyo iyo Aabe iyo xubnaha kale ee qoyska oo fadhiyay deerka, ayaan salaamay, kadibna qolkeyga ayaan iska galay, qado cunid kadib waan iska seexday, galabkii markii aan ka kacayna, waxaan iska aaday baashaal iyo inaan asxaabteeda u sheeko tago, maalinkaas waqtiga saas baan ku lumiyay, waxaan oran karaa maalinkaasi waxa ay ahayd maalinkii ugu dambeeyay ee kaftan iyo sheeko ceynkaasi oo kale ah aan la wadaago saaxiibadey.

Habeenkii markii aan guriga kusoo laabtay, oo casho iyo qoys la sheekeysi aan dhameystay kadib waxaa ii bilowmay xaalad nololeed oo cusub, waxaan guda galay feker baas oo qalbigeyga ka dhigay mid aan fadhin, waxaa igu soo laalaabanayay muuqaalka gabadha Istar ah, waxaan is tusinayay wanaageeda, marnaba wax xumaan ah oo ay leedahay iima muuqan, manaba aysan lahayn’e, waxaa aad qalbigeyga ugu sawirnaa meelo jirkeeda ka mid ah oo aan aad ula dhacay, sida bushimaheeda, suniyaha iyo qaabka uu isugu jaan go’an yahay jirkeeda, in badan ayaan isku dayay inaan is ilowsiiyo, balse noqon weyday, waxaad moodaaba inay awood qalbigeyga ku qabsatay, oo aay u diiday ka fekerka arrimo kale, waxaan is weydiiyay, waxa sidan ay nolosheyda ugu milantay, marbaan is iri “tolow ma kii baas ee Jaceylka ahaa baa ku galay”, hadana isla aniga un baa isku jawaabay’e, waxaan is iri “maya Jaceyl maaha, ee waxaa badan wanaaga aad u heyso”, hadana waxaan is tusay in qof kasta oo wanaag intaa la eg loo hayo, noloshana sidaa saameyn ugu yeesha uu macnaheeda yahay in la jecel yahay. Waan ku guul darreystay runtii inaan arrintaasi go’aan ka qaato, waxaana u daayay bal waayaha iyo waqtiga waxa ay xukmiyaaan.

Maalmo ayaa nolosho ceynkaasi ah ku sugnaaa, waxaan xitaa iloobay dhibka iyo nolosha xun oo aan rumysnaa inay wehel u noqon doonto Hanidii aan u deyriyay, waxaana saameyntii ay nolosheyda ku yeelan lahayd Hani ka xoog badiyay tan Istar. hadii aan sidaa ahaa ayaamo oo fekerkii iyo isla hadalkii Istar igu sii batay, ayaa waxaa ugu dambeyntii igu dhashay, waxaan marnaba fileyn inay dhacayaan ama ay qalbigeyga ku dhalan doonaan kuwaasi oo ahaa……..

W/Q: Axmed Cali Sheekh “Axmed Yare”

source: by

Waagacusub Arimaha Bulshada

Xadiis ku saabsan Dajjaal iyo calaamooyinka muujinaya soo dhawaanshaha Qiyaamaha

Xadiis ku saabsan Dajjaal iyo calaamooyinka muujinaya soo dhawaanshaha Qiyaamaha
Nawaas bin Samcaan A.K.R. wuxuu yiri Nebiga (S.C.W) Wuxuu subax ka sheekeeyey Masiixud – Dajjaal oo Kor iyo hoosba uga hadlay ilaa aan is niri malaha wuxuu joogaa fagaagga geedahii timirta ee agtayada ahaa.
Markaan u soo gadoonay Nebiga (S.C.W);Wuxuu S.C.W arkayey fajaca naga muuqda markaasuu na weydiiyey : Maxaa idinku dhacay? Waxaannu – niri: Rasuul Alloow S.C.W. Markii aad uga hadashay Masiixu dajjaal Saakada , marar waxaad u sifeysey wax hoose aan macne laheyn, marka kale waxaad ugu hadashay sida wax ballaaran, markaasaan is niri armuuba meel ka joogaa fagaagga geedahaa timiraha ee agtayada ah.
Wuxuu S.C.W. yiri : Aad idiinkagama baqayo anigaa idiinkaga filnaan doona oo idinka difaaci doona; haddiise uu soo baxo anigoon ininku dhex jirin waa inuu qof kastaa oo idinka mida tiisa ogaado.
Alle baana ah wakiilka iyo ilaaliyaha iyo dhowraha Muslim kasta haddii aan idinla joogin xitaa.
Masiixu Daj-jaalku wuxuu ahaan donaa nin Dhallin yaro ah oo timo adag leh mid ka mida indhahiisa waxay ahaan doontaa wax buqsan oo soo likeysan( taagan oo nuur yar). Wuxuu iila eg yahay Cabdul – Cussa bin Qadan.
kiinii la kulmaa ha ka akhristo billowga suuratul – Kahaf(suuradda 18).
Wuxuu ka soo bixi donaa Shaam(syria) iyo Ciraaq dhexdooda, oo sababi doona burbur iyo baabba’a iyo dhiig daata xagga iyo xaggaba (midig iyo bidix).Addoomada Alloow, sabra oo sugnaada oo adkeysta.
Waxaannu niri: Rasuul Alloow S.C.W intee buu joogi doonaa dhulka? Wuxuu S.C.W. ku jawaabay: Afartan maalmood oo maalinteeda hal sano dherer le’eg tahay, maalinna hal bil dherer ahaan, maalinna hal toddobaad dherer ahaan, inta kalana ahaan doonaan maalmihiinna caadiga ah.
Waxaannu niri:Maalinta dherer keedu ahaan doonta hal sano ma nagu filnaan doonta inaan tukannoo shanta salaadood ee faralka ee caadiga ah? Wuxuu S.c.W. yiri: Maya ee waa inaad qiyaas ku tukataan iyo xisaab inta lagu jira maalintaas.
Waxaannu misna niri: Rasuul Alloow S.C.W dheeraynta uu dhulka ku mari doono intee le’eg tahay ? wuxuu S.C.W. ku jawaabay: ( wuxuu mari doonaa) sidii daruur dabayli waddo oo kale.
Wuxuu markaa u imaan doonaa qoon, oo ugu yeeri doonaa inay soo raacaan isaga, qoonkaasna waa rumeyn doonaan, oo ajiibi doonaan yeeritaankiisa.
Wuxuu amri doonaa cirka oo ku soo deelmin doonta roob darar ah dadkaa, dhuku wuxuu soo saari doonaa naq iyo doog tira badan , markii , ay galabtii xoolaha dadkanay u soo nodaan, waxay yeelan doonaan xoolahaas kurus cayilan oo labac caano badan leh yeelan doonaan oo u darari doonaan; dhincaydooda la hormariyey dhereg darteed.
Dabadeed wuxuu u imaan doonaa qoon kale, oo ka dalbi doonaa inay adeecaan , laakiinse dadkaas waa diidi doonaan yeeritaankiisa. Saa Masiixu Daj-jaalku waa ka tegi doonaa. Isla markii uu ka tagaba dabadeed waxaa ku dhici doona abaar, oo dhaafi doonaa maalkooda.
Masiixu Daj-jaalku wuxuu markaa soo mari doonaa meel laga guuray oo lama degaan ah, oo ugu yeeri doonaa inay soo saarto oo debedda u soo tuurto khasnadaheeda, khasnadaheedii iyo wixiii dhexdeeda ceegaagey baa isaga raaci doona sidii shinni boqorkeedii daba xoonsan.
Dabadeed wuxuu u yeeri doonaa wiil dhallin yaro ah oo isku dheelli tirsan ,seef buu labo go’ugu kala goyn doonaa, misana waa u yeeri doonaa markaasuu soo noolaan doonaa oo uu imaan doonaa isagoo faraxsan oo dhoola caddeynaya,
Goor sidaas la yahay baa Alle Nabi Ciise C.S. soo bixin doonaa oo wuxuu ku soo degi doonaa Minnaaradda cad agteeda, dhinaca barina ka xigta Dimishiq, Isagoo qaba laboo go’ oo sibbaakhan, laba Malag garbohoodana cuskisan oo markuu madaxa godo biyo ka soo daadan doonaan, markuu sare u qaadana waxaa ka quban doona dhibco luul la moodo, gaalkii ay gaarto caraftiisa waa dhiman doonaa, caraftiisana waxay gaari doonto inta ishiisu qabato.
Wuxuu (ciise) raadin doonaa Masiixul Dajjaal wuxuuna ku qaban doonaa illinka Lud oo u dhow Qudus(lud waa magaalo kamida magaalooyinka falastiin ee yuhuuddu qabsatay sannadkii 1948 ee u dhow Ramla galbeedka) Qudus, Waxaa ku yaal gegi dayuuradeed oo caalami ah oo caan ah oo ay dhiseen Ingiriiska sannadkii 1917, kadibna ay Yuhuuddu sii ballaariyeen sannadkii 1948, waxayna u bixiyeen gegeduu (ina gooryoon).
markaa meeshaas buu ku qaban doonaa oo dili doonaa; Dabadeed Ciise (C.s) wuxuu u imaan doonaa qoon Alle ka dhowray (Masaaxu Dajjaal), Wuxuu markaas ka masixi doonaa ,wejiyadooda oo u sheegi doonaa darajooyinka ay jannada ku leeyihiin.Goor uu sidaas ku sugan yahay Nabi Ciise(C.S) buu Alle weyne u waxyoon doonaa waxaan soo daayey addoommo aan leeyahay oo aan cidina dagaalkooda u babac dhigi karin, ee addoommaheyda iyagoo nabada ah u qaad xagga buurta Duur(Siinaay).
Markaasuu Alle weyne Yuug – iyo Yamaayuug oodda ka soo qaadi doonaa oo ay taag walba ka soo degi doonaan,Caaradkooda waxay soo mari doonaan harada Tabariya ( Tabariya waa tuulo ku dhow Bad yarey oo buur dacalkeed ku taal waxayna ka mid aheyd degaanka Urdun, maantana waxaa heysta Yuhuudda Allaha ka daahiriyeey dalalka Islamka iga iyo wixii raacsan iyo wixii eynigood ah)oo cabbi doonaan biyaha ku jira haradaas oo dhan ,kuwooda dambe markay soo maraanna waxay oran doonaan: Halkan waa ‘bay biyo ku jiri jireen.
Nabi Ciise(C.S)iyo asxaabtiisana markaas go’doon baa ku dhici doonaa oo (la marsiin doonaa dhibaatooyin) ilaa dibi madixii uu kaga wanaagsanaan doono boqol diinnaar oo aad leedihiin maanta. Nabiga Alle ( Ciise C.S) iyo Asxaabtiisa (A.k.R ) waxay u jeesan doonaan Alle oo baryi doonaan. Markaasuu Alle weyne kor ahaaye ku abuuri doonaa sangaalle( noole il ma aragto ah oo cudurrada keena)Luqumaha dadkaa ( Yuug iyo Yamaayuug),oo weecda noqon doonaan oo hal mar dhiman doonaan; markaasay Nabi Ciise(C.S) iyo asxaabtiisii hoos u soo degi doonaan,meel ay cag dhigaan bay waayi doonaan, oo meel walba waxaa buuxin doonaa meydadkii Yuug iyo Yamaayuug iyo dadkoodii,oo lala joogi waayi doonaa baqtigooda.Nabiga Alle (C.S) iyo asxaabtiisu Allay baryi doonaan, markaasuu Alle wuxuu u soo diri doonaa Shimbiro luqumo geel oo kale leh,oo guri doonaan meydadkaa oo ku soo qubi doonaan meeshii Alle doono.
Dabadeedna wuxuu Alle weyne soo deyn doonaa roob miyi iyo magaaloba saamaynaya oo dhulka dhaqaya oo ka dhigi doonaa suxubbi.
markaasaa dhulka la amri doonaa in uu soo saaro mirihiisa ,barakadiisana soo cesho (markaasaa waxaa jiri doono barwaaqo iyo barakooyin tiro badan) Heer halkii geed oo Rummaan uu ku filnaan doona inuu quudiyo koox dhammi, oo ay harsan doonaan hooska caleemahiisa waxay ay ballaari qabaan , caanahana Alle waa dararun doonaa markaasay
Hasha irmaani guuto dada ah ku fillaan doonta,
Saca irmaanna qabiilo ku fillaan doonaa,
Rida irmaana reer dhan ku filaan doonta
Goor ay dadku sidaas ku sugan yihiin buu Alle soo diri neecaaw wanaagsab oo kilkilooyinka hoostooda xulaysa oo markaas ruuxda ka siibi doonta Mu’min iyo Muslim kasta.
Waxaana hari doona dadka kuwa u shar badan oo sidii dameeraha u orgoonaya (isugu fuuli doona waddooyinka iyo suuqyada si caddaan ah Xishood la’aan ), iyagayna Saacada Qiyaame ku dhici doonta

F.G (fiiro gaara)
AXadiis ku saabsan Dajjaal iyo calaamooyinka muujinaya soo dhawaanshaha Qiyaamah a
Waxaad ka heli kartaa “Riyaadu Saalixiin ” Iyadoo ku qoran Somali iy Carabi
kutubbo iyo cajalado Islaami ah
P.o. box 33049 Riyadh 11448
Ama Waxaad ka heli kartaa Maktabadaha somalida ee kutubbo iyo cajalado Islaami ah
( magaalooyinka waaweyn ee wadamada galbeedka)


Next Page »

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.